Press "Enter" to skip to content

Wasiirka maaliyadda XFS oo shirguddoomiyey kulanka 23-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoomiyay kulanka 23-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir iyada oo shirku ahaa hab Fogaan Arag ah.

Shirkaan waxaa dib loogu eegay arrimo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha Dalka, iyo sidii loo dar dar galin lahaa dhaqan galinta qorshaha dakhliga mideysan iyo hirgelinta hannnaanka dhijitaalka ee Maamulka Maaliyadda ee loo soo gaabiyo (SFMIS).

Qodobada harsan ee muhiimka u ah hannaanka guud ee Maaliyadda dalka ayaa la isku raacay in looga doodo shirka xigga ee Madasha oo la qorshaynayo in la qabto bartamaha bisha dambe ee February 2026.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r