Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Madaxa ugu sarreeya ee Maamulka Sanduuqa Horumarinta ee Sucuudiga

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhim ah la qaataay Madaxa ugu sarreeya ee Maamulka Sanduuqa Horumarinta ee Sucuudiga,Sultan bin Abdulrahman Al-Marshad.

Kulankan ayaa intii uu socday Dawladda Soomaaliya soo bandhigtay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, kulamada oo sii socon doona ayaana la qorsheeyay in loo bedelo heer farsamo oo lagu lafa-guri doono, arrimaha hortebinta leh iyo inay horseedaan iskaashi dhaqaale iyo maalgashi oo ballaaran.

Wafdiga waxaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ku wehliya Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya Marwo Hodan Aadan Cusman, Maareeyaha Dekadda Muqdisho Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga oo uu hoggaaminayo siihayaha Safiirka, Cabdicasiis Ibraahim Xasan.

 

 

 

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r