Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Kalluumeysiga oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga (FIMS)

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga (FIMS).

Mashruuca cusub ee FIMS, oo lagu ururinayo una lagu maareynayo xogta kalluumaysiga, ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo maamulka iyo habeynta xogta waaxda kalluumaysiga, taas oo suuragelinaysa in la helo tirokoob sax ah oo nidaamsan.

Nidaamkani wuxuu gacan ka geysan doonaa dejinta go’aanno ku dhisan caddayn, iyo horumarinta siyaasado ku saleysan cilmi-baaris, si loo hormariyo waaxda kalluumaysiga ee dalka.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r