Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Hawlaha Guud ee XFS iyo wafti uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Ayub Ismaaciil Yuusuf, ayaa si rasmi ah u gaaray magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.

Wafdiga Wasiirka oo ka kooban hawlwadeennada Wasaaradda, masuuliyiinta mashaariicda, khubaro iyo la-taliyeyaal farsamo, Galmudug. Masuuliyiinta soo dhaweynta ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Amniga, Wasiirka Qorshaynta, Wasiir Dowlaha Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiin kale.

Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Wasiirka ayaa dhagax-dhigi doona dhismaha waddada isku xirta Dhuusamareeb iyo Cadaado. Mashruucan oo ay maamusho hay’adda RIPS, kana hoos shaqeysa Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, waxaa maalgelinaya Bangiga Horumarinta Afrika iyo Midowga Yurub.

Wasaaradda Hawlaha Guud, oo masuul ka ah dejinta iyo hirgelinta siyaasadda qaran ee dhismaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ayaa sii xoojin doonta dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dalka iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r