Press "Enter" to skip to content

Wasiirka ganacsiga oo Addis Ababa kula kulmay mas’uul sare oo QM ka tirsan

Addis Ababa (SONNA): Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Mudane Claver Gatete, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika, isla markaana ah Madaxa United Nations Economic Commission for Africa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, horumarinta maalgashiga, iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo taageerada farsamo iyo tan maalgashi ee lagu kobcinayo wax-soo-saarka gudaha, fududeynta ganacsiga, iyo horumarinta warshadaha dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r