Press "Enter" to skip to content

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay safiirka Turkiga

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Gaashaandhigga mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş. Kulanka ayaa looga wadahadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca, tabarrada ciidamada iyo taageerada joogtada ah ee Dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya, si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo ku ammaanay doorka muuqda ee Turkigu ka qaato dhismaha hay’adaha difaaca iyo horumarinta xirfadaha Ciidamada Qalabka Sida.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r