Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Muqdisho qado sharaf ugu sameeyay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene.

Ka hor qadada, Wasiirka iyo wafdiga AUSSOM ayaa salaadda Jimcaha kula tukaday boqolaal qof Masaajidka Cali Jimcaale ee caasimadda.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay La-taliyaha Amniga Qaranka, Mudane Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, Ku-xigeenka Wakiilka AUSSOM iyo mas’uuliyiin kale.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r