Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada

Muqdisho.SONNA…Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr. Cali Xaaji Aadan  ayaa daahfuray mashruuc dhinaca indhaha ah oo diiradda saaraya ilaalinta iyo daryeelka aragga carruurta ee dhigata dugsiyada dalka.

Mashruucaan oo ay iska kaashaday hey’adaha Direct Aid , Human Appeal iyo wasaaradda Caafimaadka XFS,waxaa ujeedku yahay in kor loo qaado wacyigalinta ardayda iyo in baaritaanno xagga indhaha ah lagu sameeyo  aragga ardayda dugsiyada ee dalka.

Kulanka daahfurka oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradaha waxbarashada,Caafimaadka iyo marti sharaf kale,waxaaka hadlay Wasiirka Caafimaadka XFS Cali Xaaji Aadan.

Mashruucaan ayaa lagu wadaa in laga bilaabo Gobolka Banaadir,iyadoo kadibna loo gudbi doono gobolada dalka,waxaana barnaamijkaan oo loo qorsheeyay in ka badan laba boqol oo kun oo arday ah,qeyb ka noqon doona macalimiinta dugsiyada ee dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r