Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Beeraha oo magacaabay hawl-wadeenno dabagal ku sameeya suuqyada soo dhoofiya cuntooyinka tayadoodu liidato

Muqdisho-(SONNA)- ah oo lagu amray in ay muddo kooban ku soo diyaariyaan xog dhameystiran oo ku saabsan suuqyada soo dhoofiya khudaarta iyo cuntooyinka dalka.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah:

1-Maxamed Muuse Aaden- Agaasimaha Waaxda Wax soo saarka iyo Horumarinta Iskaashatooyinka.

2-Khadar Yaasiin Maxamed-Xubin, Waaxda ka ganacsiga Wax-soosaarka Beeraha iyo maalgashiga.

3-Cabdixamiid Jaamac Xasan-Xafiiska Wasiirka.

Hawl-wadeenada la magacaabay waxaa lagu amray in ay soo gudbiyaan warbixin faahfaahsan oo ku saabsan sida suuqyada dalka ay ku soo galaan qudaarta iyo cuntooyinka dibadda laga keeno, si loo diyaariyo qorshe lagu joojiyo soo dejinta aan loo baahnayn, isla markaana loo dhiirrigeliyo wax-soosaarka gudaha iyo beeralayda Soomaaliyeed.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaalka lagu xoojinayo wax-soosaarka gudaha iyo joojinta soo gelista qudaarta iyo cuntooyinka tayadoodu liidato ee si sharci darro ah ku soo gala suuqyada Dalka Soomaaliya.

Halkan ka aqriso:-

MAAREEYE

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r