Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay 148 muwaadin oo la soo celiyey

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, ayaa kulan soo-dhoweyn, xog-wareysi, iyo dardaaran ah la qaatay 148 muwaadin oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fududeysay in dalkooda dib ugu soo noqdaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali-Xoosh siiyey warbixin ku saabsan howsha soo-gurya noqoshada muwaadiniintaasi.

Muwaadiniinta ayaa laga keenay dalka Yemen, waxaana ka koobnaa in ka badan 80 qoys, iyadoo diiwaangelin iyo soo-dhoweyn u samaysay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r