Press "Enter" to skip to content

Wasiirka arrimaha dibadda oo New York kula kulmay dhigiisa dalka Baxrayn

New York (SONNA): Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo Talaado ah kula kulmay magaalada New York dhiggiisa dalka Baxrayn mudane Dr. Abdullatif bin Rashid, xilli uu halkaasi ka soconayo fadhiga guud ee 80-aad ee Jimciyada Quruumaha ka dhexeysa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labo geesoodka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Baxrayn, iyo soo ban-bixinta siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga dhinacyo badan. Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ee labada dhinac ay wada danaynayaan, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta isku-duwidda iyo wadatashiga si loo adkeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Wasiir Cabdisalaan ayaa ugu hambalyeeyay Baxrayn xubinnimada loo doortay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2026–2027, isaga oo tilmaamay qiimaha uu leeyahay kursigani si loo taageero nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo tan caalamiga.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r