Press "Enter" to skip to content

Wasiirka arrimaha dibadda oo Muqdisho ka furay madasha maalgashiga iyo bandhigga Qurbe-joogta

Muqdisho (SONNA):  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka Madasha Maalgashiga iyo Bandhigga Qurbe-joogta Soomaaliyeed.

Intii lagu guda jiray furitaanka madasha, Wasiir Cabdisalaam ayaa xusay in qurbe-joogta Soomaaliyeed ay aas-aaseen ganacsiyo kala duwan oo door muuqda ka qaata kobcinta dhaqaalaha dalka. Wuxuu ku bogaadiyey kaalinta ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska dalka, isaga oo tilmaamay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dhiirri-gelinta maalgashiga ay dalka ayku sameynayaan qurbe-joogta Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in qurbe-joogta Soomaaliyeed ay dalka dib ugu soo diraan ama maalgashaan in ka badan $2 bilyan sanadkii, taas oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha qoysaska Soomaaliyeed iyo waxsoo saarka koboca dhaqaalaha guud ee dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r