Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay qaataan kaarka codbixinta kana qeyb qaataan doorashada qof iyo cod ee taariikhiga ah.

Wasiirku wuxuu sheegay in 57 sano kadib ay suurtagashay in muwaadinku si toos ah u doorto cidda mataleysa, taas oo uu ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay dimuqraadiyadda dalka. Waxa uu xusay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay ka go’an tahay sugidda amniga si doorashadu ugu dhacdo si nabad ah, xor ah, oo hufan.

General Fartaag ayaa shacabka ku boorriyey inay ka faa’iideystaan xaqooda dastuuriga ah, kuna codeeyaan qofka ay u arkaan mid u adeegaya danaha shacabka iyo mustaqbalka dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r