Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray Tanzania

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa gaaray magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, halkaas oo ay ku tageen booqasho rasmi ah oo qaadan doonta laba maalmood.

Wasiirka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Julius Nyerere International Airport, waxaana halkaas ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan.

Booqashadan rasmiga ah ayaa la filayaa inay xoojiso xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, socdaalka, iyo horumarinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee Soomaaliya iyo Tanzania.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r