Press "Enter" to skip to content

Wasiirada Gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Qadar oo ka hadlay qodobbo muhiim ah

Muqdisho.SONNA…Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani.

Wasiirka Gaashaandgigga ayaa muujiyay taageerada iyo garab-istaagga buuxa ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Qatar, kaddib weerarradii dhawaan lagu beegsaday gudaha dalkaas.

Wasiir Fiqi ayaa si adag u cambaareeyay weerarradaas, isaga oo ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah amniga iyo madaxbannaanida Dowladda Qatar, isla markaana ka hor imanaya qawaaniinta iyo mabaadi’da caalamiga ah.

Ugu dambayn, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay kalsoonida buuxda ee Soomaaliya ku qabto in Dowladda Qatar ay ka gudbi doonto caqabadahan, isagoo sidoo kale xaqiijiyay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r