Press "Enter" to skip to content

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo si rasmi ah u furay Maalinta Soomaaliya ee Bandhigga Adduunka Expo 2025 oo lagu qabtay Osaka

Osaka, (SONNA) – Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa si rasmi ah u furay Maalinta Soomaaliya ee Bandhigga Caalamiga ah Expo 2025 ee ka socda Osaka, Japan.

Munaasabadda oo lagu soo bandhigay dhaqanka, hiddaha iyo suugaanta Soomaaliyeed ayaa soo jiidatay marti badan oo caalami ah, iyadoo muujisay muuqaalka cusub ee Soomaaliya ee fagaaraha dunida. Wasiir Isaaq Mursal ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay in dhaqanka iyo gobannimada ay yihiin astaanta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu dalku ku tallaabsaday horumar iyo isbeddel ku dhisan Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Aragtida 2060.

Danjire Yasushi Misawa, ku-xigeenka guddoomiyaha Expo 2025, ayaa amaanay ka qeybgalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ay tahay dal leh fursado badan iyo dhaqan soo jiidasho leh.

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r