Press "Enter" to skip to content

Wasiir Fiqi oo soo xiray tababar ku saabsan diyaarinta Miisaaniyadda Wasaaradda Gaashaandhigga

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta soo xiray tababar ku saabsanaa hannaanka Diyaarinta Miisaaniyadda, oo muddo laba maalmood ah ka socday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Tababarkan oo ay ka qayb galeen agaasimayaasha guud iyo howlwadeennada Wasaaradda, ayna bixinayeen khubaro ka socday mashruuca SJGAP ee uu taageero Midowga Yurub, ayaa lagu baranayay habraacyada la xiriira fulinta iyo warbixinta miisaaniyadda, xaddidaadda kharashaadka, isla-xisaabtanka, iyo qorshaynta ku saleysan waxqabadka, iyadoo la xoojinayay fahamka iyo adeegsiga nidaamyadaas.

Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo barnaamijyada tababarrada iyo kobcinta aqoonta shaqaalaha, si loo hubiyo in qorshaynta iyo diyaarinta miisaaniyadda Wasaaradda ay si buuxda ula jaanqaado howlaha mudnaanta u leh qaranka iyo dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha difaaca dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r