Press "Enter" to skip to content

Wasiir Fiqi oo sheegay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsan codsiyo u soo dirsadeen dowladda

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula soo xiriirayaan dowladda, iyagoo muujinaya rabitaankooda ah in ay isa soo dhiibaan, isla markaana codsanaya in cafis loo fidiyo.

“Khawaarij waaweyn ayaa nalasoo xiriiraya, iyagoo raba in ay isa soo dhiibaan oo cafis loo fidiyo, kadib markii ay waayeen meel ay ku nabad galaan”ayuu.yiri wasiir Fiqi

Wasiirku wuxuu xusay in arrintan ay timid kadib markii kooxahaasi ay waayeen meel ay ku nabad galaan, isla markaana cadaadis xooggan kala kulmeen howlgallada joogtada ah ee ay wadaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga

Waxa uu intaa ku daray in dowladda ay mar walba diyaar u tahay in ay soo dhaweyso cid kasta oo ka tanaasusho fikirka xagjirka ah, kana faa’iideysato barnaamijyada dib-u-dhaqan-celinta iyo cafiska si ay dib ugu biiraan bulshada.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r