Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka aqoon-isweydaarsi cilmiyeed oo diiradda saaraya “daraasadda mustaqbalka Af-Carabiga ee Soomaaliya”, oo lagu qabtay Muqdisho, isla markaana ay soo qaban-qaabisay Jaamacadda Carabta, iyadoo uu goobjoog ka ahaa wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo uu hogaaminayay mudane Zaid Al-Subban.
Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa carrabka ku adkeeyay in Af-Carabigu yahay gundhigga diinta iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay buundo muhiim u ah xiriirka Soomaaliya iyo dunida Carabta iyo Islaamka. Wuxuuna xusay in xoojinta doorka Af-Carabigu ay tahay tallaabo istaraatiiji ah.
Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in Wasaaradda Gaashaandhiggu qorshaynayso in Af-Carabiga lagu daro barnaamijyadeeda tababarka iyo waxbarashada, iyadoo lagu horumarinayo manhajyada ciidan, lana ballaarinayo iskaashiga dalalka Carabta ee dhinacyada tababarka iyo aqoonta, si loo diyaariyo jiil saraakiil ah oo si hufan ugu meteli kara Soomaaliya goobaha caalamiga iyo kuwa gobolka.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Jaamacadda Carabta taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo ku ammaanay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada waxbarashada, dhaqanka iyo amniga.
Be First to Comment