Press "Enter" to skip to content

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Muqdisho(SONNA):-Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed, oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa bogaadiyey isbeddelka amni ee laga dareemayo caasimadda, isaga oo sheegay in amniga hadda jira uu suurto-geliyey in bulshada ay si nabad ah oo aan cabsi lahayn u wataan nolol-maalmeedkooda habeen iyo maalin.

“Saddex sano ka hor suurtagal ma ahayn in qofku keligiis habeenkii adeegto, halka maanta amniga ka jira caasimadda uu suurto-geliyey dhaqdhaqaaq habeen iyo maalin ah,” ayuu yiri wasiir-dawlihii hore.

Waxa uu intaa ku daray in horumarkan dhanka amniga ah uu ku yimid dadaal iyo hawlkarnimo ay dowladda gelisay sugidda amniga caasimadda, isaga oo si gaar ah u bogaadiyey ciidamada amniga doorka weyn ee ay ka qaateen xaqiijinta nabadgelyada.

“Dowladda waxaan ku bogaadinayaa sida ay uga dhabeysay ballanqaadkeedii ku aaddanaa sugidda amniga,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Muddadii u dambeysay waxaa isbadal weyn laga dareemayay amniga caasimadda marka loo eego bilooyinkii hore, taas oo keentay in siyaasiyiin iyo shacabka Soomaaliyeed ay dowladda ku ammaanaan dadaallada ay ku bixinayso sugidda amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r