Press "Enter" to skip to content

Wasiir Bashiir Goobe oo qiimeyn ku sameeyay Isbeddelka Cimilo ee Deegaannada Galmudug

Muqdisho?(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada ee XFS Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay magaalooyinka Hobyo, Xinbarwaaqo iyo Ceelhuur ee Dowlad Goboleedka Galmudug, si uu u qiimeeyo xaaladda deegaanka iyo saameynta isbeddelka cimillada ee ka jirta deegaannadaas.

Wasiirka waxaa si diirran u soo dhaweeyay bulshada qaybaheeda kala duwan iyo maamulka deegaanka, waxaana booqashada ku wehliyay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka ee Dowladda Goboleedka Galmudug, Mudane Saciid Siyaad.

Intii ay booqashadu socotay, Wasiirku wuxuu kormeer ku sameeyay magaalada Haybo, halkaas oo qaar ka mid ah xaafadaha ay si weyn u saameeyeen isbeddellada cimillada, gaar ahaan bacaad-guura oo qariyay guryaha deegaanno badan, Wasiirka ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay bulshada iyo maamulka deegaanka, kuwaas oo ka hadlay saameynta jirta iyo baahiyaha degdegga ah, Wasiir Bashiir ayaa si adag ugu hadlay saameynta Isbeddalka Cimillada ku yeelatay deeggada Galmudug.

Ugu dambayn, Wasiirku wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda dhexe ay dardargelin doonto dadaallada ilaalinta deegaanka, la-qabsiga isbeddelka cimillada, iyo hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo wax ka tari doona dhibaatooyinka ka jira deegaannada la booqday.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r