Press "Enter" to skip to content

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Tamarta DFS, oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa 335 xarumood oo isugu jira goobo caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto-gelin bilaash ah.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa booqasho ku tagay xarumaha waxbarasho ee ay wasaaraddu ka fulisay mashruucan. Xarumaha uu booqday waxaa ka mid ah Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, iyo dugsiyo ku yaalla caasimadda.

Mashruucan waxa uu ujeeddadiisu ahayd in lagu caawiyo bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan goobaha caafimaadka iyo waxbarashada, si loo helo adeeg hufan oo joogto ah.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r