Press "Enter" to skip to content

Wasaaradda Qorshaynta iyo FAO oo ka wada hadlay daah-furnaanta barnaamijyada horumarineed

Muqdisho-(SONNA)-Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa kulan ku saabsan isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta barnaamijyada horumarineed la qaatay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO).

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista natiijooyinka barnaamijyada wadajirka ah ee sannadihii 2024–2025, iyo talooyinka lagu horumarinayo fulinta iyo hufnaanta barnaamijyada.

Kulanka waxaa shir-guddoomiyey Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta, Mudane Maxamuud Siciid Nuur, halka wafdiga ka socday FAO uu hogaaminayay Wakweya Tamiru, Madaxa Kormeerka iyo Qiimaynta.

Kulanku wuxuu qayb ka yahay dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu hubinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta barnaamijyada horumarineed, si ay ula jaan-qaadaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r