Press "Enter" to skip to content

Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo daahfurtay mashruuca horumarinta kalluumeysuga

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee XFS Cali Ifiye Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daahfuray mashruuc loogu talagalay horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee xagga kalluumeysiga.

Mashruucaan ayaa waxa iska kaashanaya Wasaaradda Kalluumeysiga, Dowladda Japan iyo Hey’adda FAO ee Qarama Midoobay,kaas oo loogu talagalay in uu sare u qaado adeegyada la xiriira ilaalinta kheyraadka badda iyo awoodsiinta bulshada xeebaha.

“Mashruuca maanta ee la daahfuray ayaa  wuxuu muhiim u yahay kobac dhaqaale, abuurista fursado shaqo iyo la-dagaalanka kalluumeysiga sharci-darrada ah” sidaasi waxaa yiri Wasiir Cali Ifiye.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r