Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal Maxamed Xassan ayaa sheegay in wasaaraddu gacanta ku hayso siyaasad diyaarinta siyaasad jihaynaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha dalka, si sare loogu qaado iskufilnaasha dalka.
Wasiirka ayaa xusay in dalka loo soo dhoofiyo waxyaabo badan oo gudaha laga soo saari karo, si taas looga jawaabaya Wasaaradda ganacsigu ay diiradda saarayso kordhinta wax-soosaarka warshadaha, taas oo dhinaca kale abuuraysa fursado shaqo oo ballaaran.
“Xoolaha la dhoofinayo in loo badalo hilib, neefka marka la qalo maqaarka waxbaa laga samayn karaa, lafahana waxbaa laga samayn karaa, halkaas shaqo abuur baa kandhalanaya” ayuu yiri wasiir Jamaal.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay haysato fursado badan oo ka saacidaya inay wax-soosaarkeeda gudaha kobciso maadaama ay haysato suuqa weyn ee EAC ee dhowaan dalku ku biiray iyo suuqyada kale ee caalamka oo dalab badan uu ka jiro.



Be First to Comment