Press "Enter" to skip to content

 Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Muqdisho.SONNA….Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka XFS, Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka ee ay dhaliyeen ganacsatada shiidaalka ee ka xoogsada caasimadda iyo gobolada kale ee dalka.

“Waxaan la kulmi doonaa ganacsatada, ,anagoo kala hadleyna dhimista kharashka ee nuucyada shidaalka”ayuu yiri Maxamed Xaashi,isagoo intaa raaciyay in ganacsatada aysan xaq u laheyn in ay ka faa’ideystaan xaaladaha guud ee ku soo kordhay caalamka.

Agaasimaha Guud ayaa xusay in ka wasaarad ahaan ay Ku dadaalayaan sidii loo dhimi lahaa qiimaha shiidaalka ee ay ku tiirsan yihiin dadweynaha,wuxuuna dhinaca kale sheegay in ganacsatada ay ku qaldan yihiin in ay faa’iido badan ka raadiyaan shiidaalka.

Agaasimaha Guud ee  Wasaaradda Batroolka waxa uu caddeeyay in maalmaha soo socda ay soo saari doonaan go’aano khuseeya xagga shiidaalka,isagoo docda kale ku baaqay in ganacsatada shidaalka iyo gaadiidleyda dadweynaha ay u dhimriyaan bulshada Soomaaliyeed

Labadii todobaad ee u dambeeyay waxaa guud ahaan casaslamka,gaar ahaan Gudaha dalka ka jiray cabashooyin xoogan oo la xiriiray sare u kaca ku yimid qiimaha la kala siisto gaaska loo isticmaalo cunto karinta iyo shiidaalka kale ee ay ku shaqeeyaan gaagiidka iyo matoorada korontada.

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r