Press "Enter" to skip to content

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo dhoweysay ansixinta dastuurka dalka

Muqdisho.SONNA…Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS  iyo madaxda kale ee wasaaradda ayaa soo dhoweeyay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhameystirka Dastuurka dalka.

Wasaaradda ayaa ansixinta dastuurka ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah oo lagu qabyo-tiray dastuurkii KMG ahaa, looguna saldhigay heshiis bulsho oo kala asteynaya awoodaha iyo waajibaadka heerarka hay’adaha federaalka ah, isla markaana xoojinaya dowlad-wanaagga, isla xisaabtanka iyo wadajirka qaranka.

“Ansixinta Dastuurkaan waxay astaan u tahay marxalad cusub oo lagu xaqiijinayo dowlad ku dhisan sharci adag iyo kalsooni dadweyne, taas oo saldhig u ah shaqada Wasaaradda ee ku aaddan helidda maamullo ku yimaada rabitaan bulsho, horumarinta nidaamka federaalka, xoojinta dib-u-heshiisiinta iyo midnimada bulshada.

Qoraalkaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu yiri “wasaaradda waxaa ka go’an hirgelinta qodobada dastuurka, si loo dardargeliyo dhismaha dowlad adag, mideysan oo waarta”.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r