Press "Enter" to skip to content

Wasaaradda amniga oo la wareegtay qalab ciidan oo loogu talagalay Ciidanka Haramcad

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah uga kala wareegay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya qalab ciidan oo loogu talagalay cutub ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacad.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusman Cabdullahi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Yuusuf Cali iyo mas’uuliyiin kale.

Qalabkan, oo lagu wareejiyey munaasabad ka dhacday xarunta Ciidanka Harmacad, ayaa la sheegay inuu yahay mid casri ah, isla markaana kor u qaadaya awoodda howlgal, tababar iyo u-diyaargarowga cutubka, kaas oo dhowaan soo dhameystay tababar sare oo lagu xoojinayey xirfadaha amni iyo la-dagaallanka argagixisada.

Mas’uuliyiintaan ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, iyagoo xusay in qalabkani uu door weyn ka qaadan doono sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r