Press "Enter" to skip to content

Warshad soo saareysa haamaha oksejiinta oo laga furay Boosaaso

Boosaaso — Wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa la wareegtay warshad soo sari doonta haamaha oksejiinta loo adeegsado caafimaadka, warshaddaan oo ay maalgeliyeen ganasatada Boosaaso.

Isuduwaha wasaaradda caafimaadka Puntland qeybteeda gobolka Bari Siciid maxamed Waraabe ayaa idaacadda VOA-da u sheegay in warshadaan oo baahi loo qabay ay soo saari doonto oksijiin loogu talagalay caafimaadka taasoo markii hore bukaanada lacag looga qaadi jiray.

Wariyaha VOA-da ee Boosaaso, Yusuf Maxmuud ayaa wareystay Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland qeybteeda gobolka Bari, Siciid Maxamed Waraabe.

 

Comments are closed.