Muqdisho — Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA aya sheegtay inay hawada ka saartay mareego dhinaca Internet-ka ah, iyo akoonno WhatsApp ah, oo ay lahaayeen shaqsiyaad lala xiriiriyey ururka al-Shabaab.
Hay’adda ayaa hadalkan ku shaacisay qoraal ay soo dhigtay boggeeda X ee horey loo oran jiray Twitter.
Haddaba maxay muhiim ugu tahay dowladda Soomaaliya in ay barahaasi xirto? Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa la xiriiray wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala, waxaana uu weydiiyay su'aalahaan iyo kuwa kale.
Comments are closed.