Beledweyne — Ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan laba nabadoon oo caan ka ah Galbeedka Beledweyne, ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen weerar qarax ku billaawday oo rag hubeysan oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay saaka aroortii ku qaadeen hotelka Qaahira ee magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan.
Wararka ka imanaya magaalada ayaa sheegaya in ilaa iyo caawa rasaas goos goos ah laga maqlayay hotelka gudihiisa, halkaas oo ay ku hareereysan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, ciidamada Jabuuti ee qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo ciidamo Itoobiyaan ah.
Haddaba, wararkii ugu dambeeyay ee weerarkan waxaa goor dhow Beledweyne ka soo diray wariyaha VOA, Xuseen Xasan Dhaqane.

Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka Beledweyne
More from GudahaMore posts in Gudaha »
- Madaxweyne Lugatoor oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayey garsoorka Puntland.
- Shirkii dowlada iyo mucaaradka oo fashil ku soo dhamaaday, Axmed Madoobe oo ka tagay Muqdisho
- Barlamaanka Somalia oo markale ka doodaya waxka-beddelka dastuurka
- DFS oo mucaaradka ku eedaysay fashilka shirkii Muqdisho.
- Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi





Comments are closed.