Beledweyne — Ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan laba nabadoon oo caan ka ah Galbeedka Beledweyne, ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen weerar qarax ku billaawday oo rag hubeysan oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay saaka aroortii ku qaadeen hotelka Qaahira ee magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan.
Wararka ka imanaya magaalada ayaa sheegaya in ilaa iyo caawa rasaas goos goos ah laga maqlayay hotelka gudihiisa, halkaas oo ay ku hareereysan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, ciidamada Jabuuti ee qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo ciidamo Itoobiyaan ah.
Haddaba, wararkii ugu dambeeyay ee weerarkan waxaa goor dhow Beledweyne ka soo diray wariyaha VOA, Xuseen Xasan Dhaqane.

Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka Beledweyne
More from GudahaMore posts in Gudaha »
- Wasiirka Beeraha oo daah furay tababar 30-dhallinyaro ah lagu barayo cilad bixinta iyo ku shaqeenta cagafta
- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo 300 ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafada
- Somaliland oo dib u furtay dhul daaq-simeedka Banka Aroori
- Bandhigga VOA: Xaaladda Muqdisho ee bisha Ramadaan
- Muxuu yahay cudurka indhaha ku dhaca ee Glaucoma?
Comments are closed.