-
Shir wareegay ooy wada idlayd, wadarba Soomaali
-
Isweydiin waldaafaymaguud, dood la wada yeeshay
-
Soomaaliya wajaafkii ku dhacay, wiiqatadii gaadhay
-
Wixii ugu wacnaa oo la yidhi, wadhafka yaa tuuray
-
Taariikh waa horeetiyo haddeer, waalalahan taagan
-
Markii laysu wada geeyey buu, wawgii soo baxaye
-
Warrafkiyo dad waabeeyahaa, wadhida beeraaya
-
Waxaa laysku wada waafaqayoo, laysku wada raacay
-
Majeerteen inaad wade ka tahay, doonta waalida e
-
Waa la qiray inaad weheshataan, waliyo shaydaane
-
Waa la qiray inaad wagar tihiin, talo wadaagtaane??
-
Waa la qiray inuu kuu sawiro, wax is lahaysiine
-
Waa la qiray inay waranwaryadu, weyso kuu tahaye
-
Waa la qiray inaad been wardiya, walamta haysaane
-
Waa la qiray wanaaguba, inuu yahay wadkiiniiye
-
Waa la qiray inaan loo wanqalin, wiilashiiniiye
-
Waagii Darwiish iyo Gurey, horuwadkii Leego
-
Waa la qiray inaad wiiqayaal, wadar ahaydeene
-
Wanaagsane Rashiid walamdayahow, waydinkii dilaye
-
Waa la qiray inaad wada cunteen, wabaradiiniiye
-
Waa la qiray inaad waa dembaba, aamin waa tahaye
-
Waa la qiray gumeysiga inaad, wiidihii tahaye
-
Waa la qiray talyaanigu inuu, kuu wadaad yahay
-
Waa la qiray inaad weer qabtaan, sharafna weydeene
-
Waa la qiray inaad weyrax iyo, wahan ku noolayde
-
Waa la qiray inaad khaa’inimo, koobihii wadato
-
Waa la qiray inaad sixir waxshi ah, wada xabaashaane
-
Waa la qiray wax kuu daran inaad, yeesho waligaaye
-
Waa la qiray waddood garabmartood, widinwid roortaane
-
Waa la qiray wareentiyoqardiyo, guray wadkiiniiye
-
Waa la qiray markaad xumo wadici, walasaqeyntaaye
-
Waa la qiray wajaaf inaad tihiin, waa na soo galaye
-
Inaad walad shadeediin tihiin, laysku wada raacye
-
Khalqi waa horeeto rogmaday oo, walaha jiidhay
-
Iimaan wabadaroo ooman baad, wabax la doontaane
-
Kol haddaadse wixi qaadid iyo, wiririgtii weydo
-
Waxaan kuu qabtaba weygu khalad, iyo denbaab weyne
-
Daaroodna waa wada ogyahay, magac la waalkiiye
-
Walidkiin wasiir iyo haddaan, kuu walcamo sheego
-
Waqdabkiin wuxuu yahay Falaash,
-
Winiqdaani baa idin dhashaye, weydaan garanayne
-
Waligayna waa saa ma odhan, been la waaridiye
-
Wax la hubo wixii aan ahayn, wayga caaridiye
-
Dhulbahantuhu waqii waa tiih, waali agaheede
-
Nimanbaan ka weecweecanayn, run iyo waygeede
-
Warsangali warsada wuu ogyahay, wadashadiiniiye
-
Intaasoo waxyeelo iyo sun iyo, noqotay waabeeyo
-
Markii laysu wada geeyey eey, Waamo ka ahaatay
-
Maxkamad wood caddaali ahbaa jirtoo, wadar laqiimeeyey
-
Go’aan waafi loo gaadhayoo, waara noqon doona
-
Wareegtadii caddaydbaan haddaba, kuu sakaar wadhiye
-
Murti kalana waa tay ahayd, weedh abwaan yidhiye
-
Wixii aadan lahayn wiilkayoow, laguma weynaado
-
Waxaad waayo maashaba nin laa, weel isugu geysta
-
Waxaa taa ka dhigan waa Waamoline, oon wareegsado e
-
Waad ka guuri ama waad ku dili, wixi Majeerteene
-
Waligayna waa saa ma odhan, been la waaridiye
-
Wax la hubo wixii aan ahayn, wayga caaridiye
-
Hadalkaa wareegtada ka daya, qodobka waa kow e
-
Waa la qoray Wajeerteen inaad tahay, waslaataaye
-
Waa la qiray inaad waadi Bari, wada tagaysaane
-
Oo waajibkiin yahay ku laad, keebka waalida e
-
Walwal iyo shalaytaad waqiin, weheshan doontaane
-
Wax dhanbaad xaglaha wiifisood, waaday walaxdiiye
-
Wax dhanbaad wajiijiday dhurwaa, weyd cunoo kale e
-
Wahab iyo waxaad wada tihiin, weysar gooni ahe
-
Siddii weer halaaqoo naflaha, laga wiraynaayey
-
Wid qofkaan ku odhan waa hubaal, inaad walaaqdaane
-
Wajigoodu gubay waad rogteen, beesha waligeede
-
Soomaaliya wareerkaa ku jira, weydinkoo qudhehe
-
War bal daya wuxuu Moorgan wado, waad wadarideene
-
Waraabihii fakaday baad haddana, qudhac u waabteene
-
Walaaxawlahaa laga qabsaday, saad u walafteene
-
Wasiirkii Siyaad ee ahaa, wiilka gabadhiisa
-
Rag waxaad lahaydeen intuu, weerar soo geliyo
-
Markii wadar la laayee nag iyo, wirixda loo gooyo
-
Wadna weyne waa Cabdi Billoo, wuu wisiisiyiye
-
Orodkuu waljaafii ku iman, waab dhexdiina ahe
-
Wakab ururiskii baad haddana, wada tidhaahdaane
-
Kenya hubkii ugu wacnaa, way usoo diriye
-
Is wadhaamintaasuu mar kale, Waamo soo galiye
-
Markaasuu wadkoodii helaa, lana wajeefaaye
-
Wayaakiyo waxaad lacag gurteen, baan wakaa dhigane
-
Wiilal iyo markuu xoolahaba, waaridee madhiyey
-
Inuu yahay wakiilkii Siyaad, waad taqaanaane
-
Su’aal waafigeed iyo haddaan, hal idin weydiiyo
-
Wixii dhacay wareegii horiyo, kaa waqtiga jooga
-
Waa in laga xisaabtamo siduu, waajibkii yahaye
-
Wada rogane diin laa wahaa, wayba idin seejay
-
Wiida dumarka weer iyo asay, aafo wada liita
-
Ma waxbuu idiin taray mise, waydin wada toogtay
-
Caqligii cawaam waa sidaa iyo, wax xun sheege
-
…
-
Mar kalaan wareegtadii caddayde, kuu sakaar wadhiye
-
Waa la qoray Ogaadeen inuu, way ku dili doono??
-
Waa la qoray inaan waran xaglaha, kaaga wagab siine
-
Markay wiriq tidhaahdee naftii, waayirka istaagto
-
Waa la qoray inaan waax kastaba, widhifyo kuu goyne
-
Waa la qoray waraajiyo inaad, naxashba weydaane
-
Waa la qoray inaan waalidii, webi ku yaacsiine
-
Waxaa taa ku wacan waad galabsateen, inaan ku wiidaaye
-
Waligiinba waagii beryaba, waydin weerariye
-
Hayga suginna waanwaan dambiyo, inaan walaalowno
-
Itoobiya dadkii waa dhaweyd, laga walwaalaayey
-
Israa’iilna waa annaga lahayd, wax isma dhaantaane
-
Iyagaad waalaaliyo tihiin, waalid iyo wiile
-
Waa la qoray inaan kuu waddaco, wadan Yuhuudeede
-
Waxay wadajir Soomaaliduna, wadar usoo saartay
-
Murtiduna wajaah leedahoo, waan khatimayaaye
-
Warka hoo waxaan kuu qaddimi, waa wareegtada e
-
Wax la yidhi ninkii waalana ah, waabiyaa hela e
-
Wiyil gama’san kii toosiyuu,, galay wadkiisiiye
-
Cagtii wiririglaysaa xumay, walam tidhaahdaaye
-
Wan illaa la gawraco indhuhu, koru ma weecdaane
-
Dhagihii Illaah waaniyaa, yeela wax u roone
-
Wiyeer malab ah waabeeyo sun ah, waasha laba ceel ah
-
Ninba tuu wadaan hoorsadaa, laga waraabsiine
-
Cirjiidh iyo mariikh way hanteen, xeradii weyneyde
-
Sugruhuna wakaa wuu rabaa, inuu la waageero
-
Beenta wararafkeedii gu’iyo, gola warfaadkiiye
-
Wakhtigiikhayaaligutag iyo, waali horarkiiye
-
Kitaabkii watiin iyo wagluhu, wariyey diinteenna
-
Run waxaan ahayn wuu xarimay, wuuna noo digaye
-
Idinkuna waqiin ……………………., way ka dhigateene
-
Wax ku qaata waa Waran Xaqiyo, waa kas iyo maage
Be First to Comment