Press "Enter" to skip to content

Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay

Muqdisho (SONNA): Degmada Wanlaweyn oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose ayaa u gudubtay wareegga 3-aad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib, markii 12 dhibcood ay kaga adkaatay Degmada Gaalkacyo oo iyaduna heshay 6 dhibcood.

Waa sanadkii lix iyo tobnaad ee warbaahinta qaranka ay qabaneyso tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan,kaas oo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Tartankaan waxaa habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka iyo sidoo kale Radio Muqdisho oo laga baahiyo.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Dhinaca kale,halkaan ka akhriso jadwalka isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartan cilmiyeedka warbaahinta qaranka

.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r