Press "Enter" to skip to content

Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 2-aad oo la sameeyay

Muqdisho (SONNA): Degmada Wanlaweyn oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib markii 14 dhibcood ay kaga adkaatay Degmada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe ,taas oo heshay 6 dhibcood.

Waa sanadkii lix iyo tobnaad ee warbaahinta qaranka ay qabaneyso tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan,kaas oo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Tartankaan waxaa habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka iyo sidoo kale Radio Muqdisho oo laga baahiyo.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Dhinaca kale, Waxaa la soo saaray isku aadka wareegga 2-aad ee Tartanka cilmiyeedka warbaahinta Qaranka.

Sida ku cad Jadwalka habeen dembe waxaa dhici doona labo tartan.

 

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r