Press "Enter" to skip to content

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, Guddoomiye Mudane Yuusuf Cabduqaadir Maxamed iyo Xoghayaha Gudiga Mudane Xuseen Nuunow Cali ayaa maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Socdaalka Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa qayb ka ah kormeer iyo wadatashi ku saabsan hawlaha doorashooyinka iyo qiimeynta diyaar-garowga habsami u socodka howlaha la xiriira geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.

Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka iyo wafdigiisa waxa ay kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed, oo ugu Horeeyo Madaxweyne Laftagareen si ay uga wada hadlaan dardargelint.

 

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r