Press "Enter" to skip to content

Wafdi ka socda wasaaradda warfaafinta oo lagu soo dhaweeyey Birmingham UK

Birmingham (SONNA): Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka UK ayaa maanta si weyn u soo dhaweeysay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga dalkaas.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Birmingham ayaa isugu timid munaasabad weyn oo Wasiirka ay ku soo dhaweeyeen, Wasiir Al-Cadaala ayaa Jaaliyadda warbixin ka siiyey horumarka laga gaaray geeddi socodka dowladnimada Soomaaliya, guulihii ugu dambeeyey ee difaaca midnimada dalka, xoreynta goobaha ay ku dhuumaaleystaan kooxaha Khawaarijta ah, doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka bilowday iyo guulo kale oo Xukuumadda Danqaran ay xaqiijisay.

Sidoo kale, Wasiir Al-Cadaala ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK ku bogaadiyey doorkooda ayaa ku booriyey inay garab istaagaan halganka difaaca midnimada dalka, si meel looga soo wadajeesto xadgudubka Israa’iil ay kula kacday midnimada, qaranimada iyo wadajirka dalkeena.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r