Press "Enter" to skip to content

Wafdi ka socda Soomaaliya oo Nairobi uga qaybgalaya madasha magaalooyinka Afrika

Nairobi (SONNA): Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, Shirkii Labaad ee Madasha Magaalooyinka Afrika.

Kulankan muhiimka ah waxaa Soomaaliya ku matalayay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Saciid Maxamed Maxamuud (Xayd), iyo Safiirka JFS u fadhiya Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ahna Wakiilka Joogtada ah ee Hay’adda UN-Habitat.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa ka qaybgalaya in ka badan 10,000 oo qof oo ka kala socda dalalka Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa maareynta kororka degdegga ah ee magaalooyinka Afrika, kobcinta maalgashiga, xoojinta iskaashiga siyaasadeed, iyo hal-abuurka la xiriira qorshaynta magaalooyinka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r