Press "Enter" to skip to content

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

Muqdisho(SONNA):-Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo la-dagaalanka tahriibka kaas oo ka dhacay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Dhuxulow,Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi (Kanif).

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Yuusuf Cali iyo Taliyihii Hore ee Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) G/Sare Muxudiin Axmed.

Shirkan oo si wadajir ah ay u soo qabanqaabiyeen Dowladaha Talyaaniga iyo Masar, ayaa diiradda lagu saaray dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo tahriibka, iyo ka ganacsiga dadka, burburinta shabakadaha dembiyeed ee abaabulan, iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta dalalka ay saameynta ku yeelato tahriibinta.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r