Press "Enter" to skip to content

Wafdi ka socda Dalka Jabuuti oo soo gaaray laascaanood

Laascaanood(SONNA):-Wafdi sare oo ka socda Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, ayagoo u yimid ka qeybgalka Munaasabadda Caleema-saarka Madaxda Dowlad Goboleedkan.

Wafdigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Muumin Xasan Barre ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Jabuuti Mudane Ridwaan Xirsi Bahdoon, Xildhibaanno, Saraakiil Ciidan iyo Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb. Maxamed-rashiid.

Wafdiga waxaa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Mudane Cabdulqaadir Firdhiye, waxaana hadda loo gelbiyey gudaha magaalada Laascaanood.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r