Press "Enter" to skip to content

Wacdi Shaqlane

The largest online collection of Somali poetry

  • Dahabow jacayl baa idilay, oo idaashadaye
  • Cishqigaaga duulaanka ahi, waygu soo dagaye
  • Haddii aadan daaweyn xubbigu, wuu idilayaaye
  • Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine
  • Dawo waxaan lahayn iyo sunbaan, duhur cabaayaaye
  • Anigoon dakano aadmi qabin, ways daldalayaaye
  • Dab haddaadan ii shidin la waa, inaan dawoobaaye
  • Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine
  • Nin dayuurad haysta yaan odhan, diilinta i saare
  • Waxay sii daryaantaba kolkay, dowyo sare gaadho
  • Daruuraha markay gaadho yaan, dam iska soo siine
  • Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine
  • Markab diririglayn iyo intaan, doonyaha raaco
  • Badda weyn markuu ila derdero, yaankasoo degiye
  • Meel aan dabbaal lagu karayn, Dahaboy caynkeeda
  • Iyo daakhil kaan tagahayaa, daacadda Ilaahe
  • Haddii aadan daaweyn xubbigu, wuu idilayaaye
  • Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine
  • Haddaadse raro dun lagu daadiyey, oo daabac laga buuxshay
  • Oo midabku deyldeylan yahay, dadabta gaadhsiiso
  • Diyaar loo sameeyey iyo, dharkii deeqa aragaaga
  • Oo damacu wuu badanyahee, deymo kaa qabato
  • Yaan duunyo kuu siin hayaa, adi dadaalkaaye
  • Danbigaaga oo idilna waa, layga dedayaaye
  • Waan diir xumaan maalintay, diinftu kugu taale
  • Xigaalada dugaalkeed badhbaa, la iska diidaaye
  • Dadkiinaan jeclaan iyo intaad, duray wadaagtaane

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r