-
Dhankaan ka hadlay waakaa Qamaan dhaafay hadalkiiye
-
Dhex-xidhka hayska gooyaan lahaa dhuugga loo tolaye
-
Haddii dhaxal adoogaa la cuno waad dhadhamisaaye
-
Waxaan cunaha ii dhaafin iyo dhaashin baa jira’e
-
Naagahaan dhankii loo rogiyo dhinacna diidayne
-
Dheddigaanshahaa lagu arkiyo dhiigga caadada’e
-
Haddayan dhiilka caanaha lahayn laguma dhaarteene
-
Wax ka dhigan gobtii dhawrsataan ceeb ka dhiidhiyine
-
Dhirfal buu Isaaq marin intuu dhaco Ogaadeene
-
Karuur dhuumay dhaydana ka jecel oo ay dhamayaane
-
Dhoobada Hargeysiyo Berbera waa dhito u taalle
-
Dharka kama macaasheen hadday dhuunta jarayaane
-
Waa dhego la’yahay Reer Subeer dhoohan weligiise
-
Dhibta gaadha waa moog yihiin, iyo dhaliishoode
-
Anuun baa dhalaalinahayee, dhiirran ma hayaane
-
Ninkaan dhalasho waa yaab qabtaa dhab ugu soo hiishay
-
Dhaladuu wax iga saaray culus dhabeelna ii raacye
-
Dhudhunna waaba ii sheegtay adag dhiillana i geliye
-
Dhawaaqayga kuma faaraxine waa ka dhiidhiyaye
-
Waayeelka dhaylada sitee, dhawrta ku ilaasha
-
Kuwa dhebedda soo xidhanayee dhuuni kale haysan
-
Oo dharabta jeexjeexan qaba waad la dhalateene
-
Dhafoorkaa ma yeesheen hadh galay dhogor xumaantaase
-
Dhoomaha Isaaq raranayee Dhaayin laga keenay
-
Dharkaa lagu qasaashaa intay dhereg u daadshaane
-
Rag baa caanahaad dhami jirteen dhiil u hoorsadaye
-
Afartaasi waa dhaabad gabay iyo dhextaashiise
-
Hadallo dhagaxyo waaweyn ka culus waa dhug siin jiraye
-
Maansada dheh uun lama yidhee waygu soo dhacaye
-
Dhugaheeda layskuma qabtee dhibic kalaan baanay
-
Dhinacayga ma aan saari karo dhuxullo naareede
-
Goormaan rag baa kaa dhergaye dhidibka kuu qaaday?
-
Dhaawucu ninkuu ku cusub yahay dhiigga farahiisa
-
Oo shalayto kaa dhaansadaa Dhuurre kula yaalle
-
Waakaa xeryaha looga dhigay Dhogor Idiinleeye
-
Dhaqaalaynna mayside naftaad kala dharroocdaaye
-
Libintiinnu maantay dhowdahay kuma dhaqaaqdaane
-
Car ku dhaca haddaad dhalad tahoo dhuubka boqor hayso
-
Afartaasi waa dhaabad gabay iyo dhextaashiise
-
Hadallo dhagaxyo waaweyn ka culus waa dhug siin jiraye
-
Maansada dheh uun lama yidhee waygu soo dhacaye
-
Dhugaheeda layskuma qabtee dhibic kalaan baanay
-
Ugaas Magan dhawaaq kuma jiroo dhimey wadkiisiiye
-
Bal dhexmariya Reer Webi inuu dhaamo Bah Xawaadle
-
Cabdille Aadankii dhaadan jiray dhab u ogeysiiya
-
Uga dhoofsha Dhicis Muuse Khalaf oo dhabta u saara
-
Cawlyahanka dhaantaynayiyo Dhugadna gaadhsiiya
-
Isaxaaqa dhooshiisii hanay dhababkacna loo diidye
-
Nimankii ku dhabannaanin jiray dhowr ka loogsada’e
-
Dharbaaxooyinkii soo ceshiyo dhabarjabkaagiiye
-
Waataa hablaha Ciise Dhamal dhigaha laayeene
-
Kacoo dhididka rida waa intaad dhimanba weydaane!
-
Dhambaal lala ma yaaciyo waraaq sida Dhabiileede
-
Hoo dhagaxa qaad iyo adeeg gaaladaa dhihiye
-
Raacdadu hadday kaa dhab tahay Dhebi dagaalkeedu
-
Adoo dhididsan baa loo ridaa dhamac rasaaseede
-
Raggaan dhibiyey waa kaa dhacsaday Dhebiyo Heemaale
-
Qamaan dhugo dhankaagaa tolkaa looga soo dhacaye
Be First to Comment