|
|
- Dirqi gabaygu kuma fiicaniyo, waan darooryamiye
- Kaga dayasho door kumanoqdiyo, xaraf la doodoone
- Duxna kuma leh dheef lagu dalbiyo, ugu ducee ruuxe
- Dardarsiintu waw darantahaye, marindaygaw uroone
- Darsi ma aha la is baro xigmadi, way da’ weyn tahaye
- War waa deeq Ilaahay baxshiyo, doobir gooni ahe
- Sidii hees la daran-dooriyiyo, koox la dananaysa
- Dad markuu darbuugado murtida, kuugu daadihiya
- Durbaan muusik ima daahiyiyo, duul xafida wiige
- Dumarna kaygu uma baahna iyo, daasad loo tumo e
- Dusha iyo haddan saari jiray, duud guradeeda
- Daldalaadii hore haatan waa, inaan ka daayaaye
- Gabayaddii aan duuduubi jiray, waan dabcinayaaye
- Maansada haddan soo dajoon, kaa dallici waayo
- Doqontiyo intuu ruux damani, noo qabsado daalac
- Dambigooda yey nagu dacweyn, garasho deel-qaafe
- Yaanan arartii kugu daalin waan, dooxi maansada e
- Afduub lagu raryaa iyo dirqiyo, xeel ku didiyaaba
- Duleedada Hargaysiyo kuwii, Xamar u daaduumay
- Durqun iyo dagaag uma kaxayn, umana dooleene
- Dacay iyo dulmiyo xoog raray, deyr ku galiyeene
- Dantase loo xaraystiyo macnuhu, nagama daahnayne
- Ujeedada aan soo daadajee, waxaan inoo doortay
- Su’aalaan daruuriyo xubnaan, meel ka daabiciye
- Jawaabaha diyaar ma u tihiin, soo dallicidooda?
- Dadkanaga dal kale qaar xukumo, dawladnimadiisa
- Duul shisheeye iyo qaarna waa, laaji dibadeede
- Hadday magacyadii kala duween, labada kee daw ah?
- Danoo iyo daleen soo qaxdiyo, caydh is daba liicda
- Dildillaacintiyo faalladaan, kuugu sii dariye
- Dun cas janana layliga dabliyo, darawal gadiidka
- Shibil daakhil rooriyo danjire, dibad wasiir aada
- Inta darajo wiil leh iyo kornayl, duuliye ah taagan
- Shaqaalaha wadani daacadnimo, loo dirdiranaayo
- Duqaydii dhashoo laajiyey, dacalla joogaane
- Wixii aabahood kala duwiyo, dulucudii yaa sheega?
- Sarkaal Danab ah madax doobisoo, dhibida daydaylan
- Dadkoodoo ajnabi duukhaya ah, kama diqoodaane
- Inay laba dariiq kala maraan, daw sidaw noqotay?
- Magacooda see u kala duween, duq iyo wiilkiisa?
- Dhalinyarada diirdiiraneey, taa ma laga dooday?
- Dibjir oday noqdoo lagu digtiyo, gacalka diifaysan
- Dumarkiyo darxumaday qabaan, daaman-ku-ciroole
- Dilka fudud dhalaan dabargu’iyo, jeel ku damug siinta
- Danqashiyo dareen iyo haddaan, doocba laga haynin
- Isma daboosha kaasaay dallicin, oon dugsanayaaye
- Daaqiyo dulaha ceelashiyo, doogga iyo rayska
- Wax kuu diidan oo durug leh, oo dibadda kuu saari
- Waxa kaaga daran eed og tahay, eed la dirirayso
- Adigoon dagaalamin haddaad, dood wax kaga weyday
- Daliil saas ah ruuxii hayow, kaa dafiri mayno
- Intuuse daallin baas kaa dalbaday, dumi arooskaaga
- Kol haddaadan suu kaa damciyo, danaha guud eegin
- Dawo ma lihid shaydaana wuu, kuu dabbaal-degaye
- Waxaad deydayeysaana waa, duunyo aan lumini
- Dadka iyo dalkiisaba maxaa, lagaga uusduugan
|
|
Be First to Comment