Press "Enter" to skip to content

Usii Dhiiba (Diseember 20, 2006)

 
Waa gabay ka hadlaya roobabka iyo fatahaadaha ka dhacay koonfurta Soomaaliya kuwaas oo ay dadna 
ku dhinteen kuwa badanna ay ku barakaceen. Isagoo dhiirri galinaya dadka qurbaha jooga si ay gargaar 
ugu fidiyaan walaalahooda ay masiibooyinku la soo darseen ayuu Cirjiidh tiriyay gabaygan. 
 
- Inkastood dharaar iyo ayaan, dharag ku noolaato 
- Mar umbuu dhib kula soo darsaa, ood dhadhamisaaye 
- Adoo shalayto dhuub sare hayaad, maanta dhumisaaye
 
- Dhedo iyo inay hoos tahaan, dhaaxa aragnaaye 
- Dhayal taa ha moodina waqtigu, ma aha dheeldheele 
- Dhulkii waxa qabsaday daadad iyo, jir aan dhammaanayne
 
- Dhasha meel la gaystiyo lawaa, dhaqasha xoolaade 
- Habeenkii waxaa lagu dhafraa, geeda dhaladoode
- Dhurwaa iyo yaxaas iyo biyay, kala dhaxjoogaane
 
- Dhaji iyo kaneecada sunta leh, yaa u dheeri ahe 
- Dhama' iyo waxay daal qabaan, waad ka dhaygagiye 
- Magaalooyin buux dhaafi jiray, looma dheelmado e 
- Dhanna ugama soo galo hadhuudh, dhibicda roobaade 
- Gaadhigii dhakhsaba keeni jiray, dhoobka mari waaye 
 
- Innaguna inaan dheef duxliyo, dhaylo ku cashaynno 
- Dadkeenuna ay gaajo u dhintaan, dhaxanna qaar hayso 
- Ogoobeey inay taa dhacdaa waa, dhagxuma wayne 
 
- Dhabba aynu wada seegnay iyo, waa dhalliil culuse 
- Intaan ceeb dusha u dhigan lahayn, waxa inoo dhaanta 
- Dhalashada kuwaa noo xigoon, dhinac istaagnaaye 
 
- Dhalliyariyo waayeel intaan, dhiidhi wada qaadno 
- Dhambaal iyo salaan iyo waxaan, hayno oo dhabal ah 
- U sii dhiiba waa gacan waxay, idinka dhawrtaane
 
 
Fure::
 
dhaji: mas ama dhuljiif
dhabal: labanlaan, badan
 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r