Press "Enter" to skip to content

Ururada siyaasadeed oo olole doorasho ka wada Muqdisho

Muqdisho (SONNA): Xilli maalmo kooban ay ka harsanyihiin maalinta codbixinta doorashada golaha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ururada siyaasadeed ee doorashada ku loolamaya waxay olole cod raadis ah ka wadaan magaalada Muqdisho.

Urur siyaasadeedka Tawfiiq ayaa caawa degmada Kaaraan ka sameeyey olole baaxad leh oo shacabka lagu dhex marayo, si loo gaarsiiyo farriinta ururka, iyadoo lagu booqanayo xaafadaha, goobaha ganacsiga iyo meelaha bulshadu isugu timaaddo.

Axmed Xaaji Nuur oo ka mid ah musharixiinta ka sharaxan urur siyaasadeedka Tawfiiq ayaa xusay inay fursad wanaagsan tahay doorashada tooska ah ee bulshadu ku soo dooranayso dadka ka shaqaynaya degmooyinka, waxaana uu bulshada ku dhiirrigeliyay inay ururkooda u cadeeyaan.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r