Press "Enter" to skip to content

UNESCO oo Xeer Ciise ku dartay dhaqannada ma guuraanka ah

ASUNCION— Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, saynis-ka iyo dhaqanka ee UNESCO ,ayaa Xeer Ciise oo ah xeer ay muddo dheer ku soo dhaqmayeen qaybo kamid ah bulshada Soomaalidu, ku dartay xeerarka ma guuraanka ah.

 

Arintan ayaa imanaysa xili uu  magaalada Asunción ee dalka Paraguay ka socdo shirka 19-aad ee guddi goboleedyada ilaalina dhaqanada lama taabtaanka ah, kaasi oo ay goob joog yihiin wufuud ka timid dalalka Djibouti, iyo Itoobiya.

 

Hadaba go’aankani sida uu ku yimid iyo waxa ay Soomaalida uga dhigan tahay ayaa wariyahayaga magaalada Jigjiga, Maxamed Cabdiraxmaan Ugaas Gaataa uu ka waraystay, Warsan Cawil Xirsi oo ah, wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska ee dawlad deegaanka Soomaalida, taas oo ka mid ah masuuliyiinta ku sugan shirkan hayada UNESCO ee ka socda dalka Paraguay.

 

Comments are closed.