Press "Enter" to skip to content

Tuug Baroole

Gabaygaan la magac baxay Tuug Baroole waxaan tiriyey markii aan ka war helay in ay niman Soomaali sheeganaya Kiiniya heshiis kula galeen in Kiiniya loo ogolaado in ay qaadato qaybo ka mid ah badda Soomaaliyeed. Nimankaas waxay wax ku saxiixeen magaca dawladda ku meelgaadhka ah. Arintaa waxaan maqlay 10/04/2009 goor galab ah, habeenkii ayaanan ka seexan xannuunka ay igu beertay, waxayna noqotay arin tiiraanyo badan. Markaas ayuu gabaygani igu soo dhacay. Barfasooradaan aaminnnee buugagga u dhiibnay Baldadaha raggii wada sitiyo suudhadhkiyo baylka Baalxooftadii hore raggii loo birdhigi waayay Bakhti iyo nijaastay faleen beerku ii gubaye Barbarreeyayeey xalay miyaan jiifka bogan waayay Biixida miyaan ooga jabay cadow i boobaaya Bahalkii Wajeer cunay miyaa baylah iga qaatay Baranmaysid Soomaaliyeey Tuug Baroolaha e Sidii ruux barii’uu dushaa uga bidhaamaaye Bashar iyo qof saaxiib ah baad bilicda mooddaaye Mar waa sheekh billaahida maroo diinta kaa badine Marna waa basaas horor ah oon baab xidhaa jirine Boqor iyo suldaan buu noqdaa beelo daaja ahe Baryo wuxuu iskaga kaa dhigaa Naasax beer nugule Waa baxar sitiin aan lahayn baasaboor mida e Kolba boqol ilood buu middood kuula soo bixiye Sidi ruux baldo u dhoofayuu boorsa weyn yahaye Danta inuu badbaada u yahuu ba’uhu sheegtaaye Bidix iyo markuu midig dayee kaa bogsado shiishka Billaawaha wuxuu kaa marshaa meesha baydda ahe Kuwii shalay dadwaynuhu baxshee shacabka boobaayay Hunguri baa baleeyay iyo waxay bililiqaystaane Bal ogoow dalkoodiyo inayn hoygi badar dhaafsan Ummad yahay baddii aad lahayd boojisyaa helaye Inta aysan baaqiga hadhiyo Calanka beecgaynin Maad baraarugtaan ciiddu waa birimadeenniiye Baxdin raysan waydiyo hadday boogi kugu taallo Dusha lagama baantee guntaa laga bineeyaaye Inkastood bastaa tahay marbaad ciil baddalantaaye Maad baraarugtaan ciiddu waa birimadeenniiyee Dugaaguba hadduu dhicid bartiyo bawdka jabintiisa Bilaash kuguma dhaafiyo inaad barad u jiiftaaye Baaq iyo digniin culus intaan boodhadh ku caddayno Maad baraarugtaan ciiddu waa birimadeenniiye MACNAHA EREYADA baldad:suudh barbarrayn:dhinacyayn,isrogrogid biixida:bawdada, laxaadka bahal:waraabe,dugaag wajeer:dagmada wajeer(NFD) barii’:dambi la’aan ah, aan waxba gaysan naasax:daacad ah baldo:waddamo, magaalooyin baydda:dhuunta,halista boojis:qawlaysato,budhcad Birimo:waxa ugu mudan,muhiimsan hoy:dalka binayn:dawayn barad:qabow

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r