Press "Enter" to skip to content

Tolkay Wax isma Dhaamaane

The largest online collection of Somali poetry

Tixdaan gabeyga ah waxaa curiyey Cumar Cabdinuur Nuux – 10/05/2002. Wuxuu welwel kamuujinayaa in xornimadii naf iyo maalba aabbayaasheen u hureen ay si fudud faraheenna uga sii sibxaneyso. Haddii aan rag kale u istaagin intay goori goortahayna saadaashu aysan fiicneyn.

  • Gabay uma dhaqaaqeen haddan dhiillo ii imane

  • Dhabta iyo xaqiiqada jirtee dhogortaan ii yeeshay

  • Dhiraandhiriska caawana murtida dhinac yar aan jeexo

  • Ma an dhalan markii gobonnimada dhiiga loo huraye

  • Geed dheer rag baw fuulayoo dhaxan usoo jeeday

  • Dhaadadka rag baa loo jaroo jeelka loo dhigaye

  • Hoo yoo dhan baa nalakuyiri dhayda xoorta lehe

  • Hayeeshee inaan dhawrno oo dhaqanno waan diidnay

  • Dhaxal nimuu lahaa diidanyahay bay ka dhigantaaye

  • Dhurwaa maqal xannaanee layiri dhaqanki weeyaane

  • Ma dhursuge masoo dhaanshe iyo mahad masoo dhiibe

  • Dhankastood ka eegtaba tolkay wax isma dhaamaane

  • Wixii dhiiglahow kaca rag baa dheel uyiri waaye

  • Dad aan dhago laheyn baa kolley dhaanto loo tumaye

  • Dhakafaarka waxaa iigu wacan dhamanadaan heysto

  • Dhawaaq kale kuceli baan lahaa dhimatay maandeeqe

  • Ku dhaqaaji baan yara lahaa dhoohanow nacase

  • Anigaa isdhibayee tolkay wax isma dhaamaane

  • Dheef iyo haddii ay rabaan dharag maguurtaan ah

  • Dhulku waa barwaaqoo kufilan dhuuni raacyada e

  • Hadday dhagaxa hoosiyo qotaan dhoobadiyo ciidda

  • Ama ay kalluun dhoofiyaan moosku waa dherege

  • Gaajada waxay ugu dhinteen waa dhugmo la’aane

  • Dhiigooda kii jaqahayey dhabarka saaraane

  • Anigaa isdhibayee tolkay wax isma dhaamaane

  • Dharaarkasta kun baa dhimata oo haadka loo dhigiye

  • Dhiilana madaayaan haddana dhac iyo boob taagan

  • Gacmahaas isdhaafdhaafayiyo dhagarta miisaaman

  • Dhanka looga soo maqanyahana dhaayo uma yeelan

  • Dhalanteed ayaa loo arkaa dhamaca qiiqaaya

  • Anigaa isdhibayee tolkay wax isma dhaamaane

  • Dhallaankiyo masaakiinta iyo umul madhaafaane

  • Dhaqan iyo xishood waa horaa dhabarka loo jeedshay

  • Dhalan roganka duulkaan ku dhacay ma aha dheeldheele

  • Dhulkii loo yaqaannaa rag kale dhiil u culayaaye

  • Dharbaaxada waxaa ugu hayaa waa Tigreey dhabahe

  • Dhimashadu marbay ina abtow nolosha dhaantaaye

  • Dhaqdhaqaaq xornimodoon haddaan dhidibka loo aasin

  • Bilowgii dhammaadkeenna baan meel dhow ka arkaaye

  • Dhaxalkii awoowgeen ogow inaan ku dhaantaynay!!!

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r