- Toolmooni hadal waa inuu tol u dhexeeyaaye
- Tuushkii xun iyo wiil yar waa la isla tiirshaaye
- Waa laysku wada tiirsan yahay sida tis oodeede
- Taabbaa la sii furi hadduu kibir ku taabtaaye
-
Walle ina raggow talo adduun taada uun ma aha
-
Tamed aad ah adigoo tagoo faro ku taagaystay
- Tunka yaa kusoo qaban haddaad tered ku xaajooto
- Tarsigii la joogaba haddaad turuqdo kii aad ah
- Mid unbaa tusmada kaa raroo lagugu taagaaye
- Wallee ina raggow tallo adduun taada uun ma aha
- Wiil taaninimo loo qiray oo sida tarmiiggaas ah
- aan lagu tawixin oon lagdini timaha boodhaynin
- Mid unbaa tab kula soo baxoo laga tixraacaaye
- Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
- Tufta iyo tahliishii wadaad culimo towxiidka
- Tacdaariye haddii awgayow lagugu tiimeeyo
- Mid unbaa tembiih soo dhigtoon tacajib yaabnaaye
- Oo tuug ka dhiga kaan lahayn waa tixdii nabiye
- Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
- Haddaad kaligaa inaad taajir tahay tuhunto uurkaaga
- Toodoowga xoolaha ninbaa tulud kusii dheere
- Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
- Tafa xaydka xaajada haddaad taqasho waayeelka
- Tolkaad riixday aaqibi haddaad yaraha taabsiiso
- Mid unbaa tallahida marooy tiisa noqotaaye
- Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
- Tobonkii kob joogtaba haddaad turuqdo kii aad ah
- Kan danbaad signiin tahay inuu kugu tubeeyaaye
- Walle ina raggow talo adduun taada uun ma aha
Be First to Comment