Press "Enter" to skip to content

Taliye Odawaa oo tababar u soo xiray saraakiil Komandoos ah

Muqdisho (SONNA): Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta tababar gaar ah usoo xiray dufcaddii ugu horreysay ee Layli Saraakiil ah oo qaatay tababar Kumaandoos ah.

Munaasabadda lagu soo xirayay tababarkan ayaa ka dhacday Dugsiga Tababarka Gaashaanle Xasan Tuure ee xerada Baledogle, halkaas oo ay Layli Saraakiishu kusoo bandhigeen dhoolatus muujinayay xirfado ciidan oo heer sare ah.

Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in tababarada noocan ah ay kor u qaadi doonaan xirfadaha Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo Askarta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Tababarkani waxa uu astaan u yahay dadaalka lagu xoojinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Qaranka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r