Press "Enter" to skip to content

Taliyaha Xoogga dalka oo safar shaqo ku jooga Rwanda

Kigali (SONNA): Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay Xarunta Taliska Ciidanka Difaaca Dalka Rwanda (RDF) ee Kimihurura.

Socdaalka ayaa looga gol leeyahay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta dhanka difaaca ee u dhexeeya labada dal.

Intii lagu guda jiray booqashada, Taliyaha ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Dalka Rwanda, Mudane Juvenal Marizamunda, iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Rwanda, General MK Mubarakh, iyadoo laga wadahadlay arrimo la xiriira xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta dhanka difaaca ee u dhexeeya labada dal.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r